Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa Goordhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Madaxweyne Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Lafta-gareen, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.
Intaas kadib Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada, isagoo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa xiriir iskaashi la leh dhammaan dowladdaha xubna ka ah DFS, oo ay Koonfur Galbeed ka midtahay, sidaasi darteed Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed.