21″ January 2021 GAROOWE”
Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.
XAYEEYSIIN ”

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.
Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.
