Denmark oo raali-gelin ka bixisay hadal ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo uu safiirkeeda Muqdisho ka sheegay magaalada Hargeysa
Raaligalinta Denmark ayaa yimid markii dowlada Somalia ay caro ka muujisay wax ay ku tilmaamatay in uu ahaa hadal ka dhan ah Midnimadda Soomaaliya oo uu safiirka yiri
Denmarka ayaa Soomaaliya ka raali gelisay hadaladii xanafta lahaa ee Hargeysa uu ka jeediyey safiirkooda Muqdisho, waxayna cadeysay in isla xisaabtan diblomaasiyadeed lagu sameynayo safiirka.
Dowladda Denmark ayaa qoraalkeeda ku muujisay raalli-gelin horudhac ah iyo inay ka garowday gefka diblumaasigeeda, iyadoo aqoonsan xasaasiyadda arrimaha la xiriira hadalka safiirkooda.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Denmark ee Muqdisho ayaa balamisay maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxaana su’aalo laga qeydiinayaa hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa
Somaliland oo si caro leh uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa masuuliyiinta u hadlay waxay sheegeen in Wasiirku ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen
Siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Wasaaradda arrimaha dibadda oo warqad u dirtay Danjiraha ayaa ugu yeertay inuu yimaado xafiiska, waxayna ku eedeysay inuu ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax banaanida dalka uu ku dhowaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa
Ugu dambeyn wuxuu uga digay safiirrada jooga Soomaaliya inay soo saaraan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee JFS marka ay soo baxdo natiijada doorashada maamulka gobollada waqooyi ee Soomaalind, isagoo tilmaamay wixii dhaxdeena ah inay Soomaali u taallo