DF oo Muqdisho ku xirtay ganacsato xiriir la sameeyey Al-Shabaab

Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ganacsato iyo gaadiidley lagu tuhmaayo in ay xiriir la lahaayeen ururka Al-Shabaab. Ganacsatada la soo xirey waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi. Ganacsatadan ayaa la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka soo dhex xireen.

VOA oo xiriir la sameysay hay’adaha ammaanka dowladda, si ay wax uga weydiiso arrintan, uma suurta-gelin. Si kastaba, waxaan la hadalnay Sheekh Cali Maxamuud Xasan oo loo yaqaan Sheekh Cali oo ehel iyo asxaaba la ah Maxamuud Cumar Cadaan.

Leave a Reply