25″ September “2022”
Xuseen Macalin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan buuraha Galgala ee gobolka Bari laga saari doono dagaalyanaada Al-Shabaab iyo kuwa Daacish oo ku sugan halkaasi.
La-taliyaha amniga qaranka oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay howlgallo culus iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ka bilaabeyso buurahaasi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhulkaas ay in muddo ah gacanta ku hayaan Al-Shabaab iyo Daacish, balse howgallada ay hadda qorsheynayaan ay 犀利士 la kaashan doonaan Puntland.
Xuseen Macalin Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka inay doorkooda qaataan, ayna la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo Al-Shabaab looga qabsaday deegaanno dhowr ah, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.