8″ October 2022
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka digay faafinta farriimaha iyo wararka Al-shabaab.
Wasiirka ayaa shaacisay in Dowladda xirtay 46 barro dhanka int犀利士 ernet-ka oo Al-shabaab u adeegsaneysay faafinta arragtidooda iyo dilalka ay geystaaan.
“Waxaa la mamnuucay Baahinta Wararka Argagixisada, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxaana la xiray ilaa 40 barood oo Khawaarijtu Ku baahineysay Wararkeeda, waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas”, ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.