12- April-2024- Muqdisho

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.
Wasiirka wafaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo saaray qoraal uu ku beeniyey war ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, kaas oo sheegayey in laga wada xaajooday xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeysa.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay shalay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in Soomaaliya aysan marna aqbaleyn qorshaha Itoobiya ay saldhig ciidamo kaga dhisaneyso Somalialnd, ayna ka fiirasnayaan in la siiyo dekad ganacsi, hadii taas laga hadlo.
Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter) kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.