18″ December”2020
Warar na soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta gaadiid dagaal gaysay gobolkaasi.
Gadiidkan oo ah kuwo fara badan balse aan la xaqiijin ilaa iyo hadda tiradooda rasmiga ah ayaa waxa ay dawladdu ka dajisay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Waxa ay wararku sheegayaan in gaadiidkan dagaal ay ugu talo gashay in ay isticmaalaan ciidamadeeda ku sugan xad benaadka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya gaar ahaan magaalada Beled Xaawo iyo Mandheera.
Maalmihii u dambeeyay ayay sidoo kale wararku intaa ku darayaan in dawladda Soomaaliya ay hub iyo ciidamo ku daabuleysay Gedo.
Waxa ayna arrintani walaac ku abuurtay ciidamada Kenyaanka ahee ku sugan xad beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoona kal horay ay dawladda Soomaaliya xiriirkeedii kala dhexeeyay dalkan ugu dhawaaqday inay soo afjartay gebi