DFS oo Ka Hadashay Duqeymaha Kenya Ay Ka Geysatay Gobolka Gedo

4″ June “2021” Friday ” Gedo-

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymihii diyaaradaha Kenya shalay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo, waxaana duqeymasi ka dhashay khasaaro soo gaaray Bulshada Gobolkaasi.
Waxaana duqeymahaasi ku waxyeeloobay  dad shacab ah oo haween iyo caruur ay ku jiraan.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay Duqaymahaasi ay ahaayeen kuwo aan loo meel dayin oo dad shacab ah lagu beegsaday, waxaana duqeymuhu ay ka dheceen deegaanada Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur ee Gobolka Gedo, iyadoo  dowladda Soomaaliya ay ku hanjabtay inay dacwad u gudbin doonto Midowga Afrika.

Shalay Diyaaradaha kenya ayaa dad Rayid ah ooy ku jiraan dumar Iyo caruur duqeeyn ugu geeystay deegaanka Ceel,cade oo ka tirsan gobolka gedo

Leave a Reply