DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu diley deegaanka Basra

6″ October “2022”

Ciidamada Dowladda ee isugu jira Nabad Sugida iyo Booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa weli howgallo ka wada deegaanka Basra iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Ciidamada ayaa sheegay in howgalladii u dambeeyay ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya sagaal ruux.

“Ciidanka NISA iyo Kuwa Haram-cad ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey Tuulooyin hoos-taga deegaanka Basra, halkaasi oo ay ku dileen 9 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada” ayaa lagu yiri war kooban oo lagu daabacay Warbaahinta Ciidamada.

Leave a Reply