Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
14* April “2022” Muqdisho
Waxaa hoolka Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay goordhow dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana dhaarinaya xildhibaanadii ugu horeeyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed.
Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada, waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, xubno ka mid ah Midowga musharixiinta, Taliyayaasha Ciidanka Militariga iyo Booliska iyo mas’uuliyiin kala duwan.
Sidoo kale, hoolka lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada gole waxaa kusii qul qulaya Xildhibaano dhowr ah oo iskugu jira kuwa maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo iyo kuwa dalka ka maqnaa, balse tirada xaadirka ku ah hoolka ayaa ah mid badan.
Sida uu qorshuhu yahay maanta waxaa la dhaarinayaa ilaa 283 Xildhibaan oo isugu jira labada abqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, fadhiga koowaad ee Baarlamaanka ayaa lagu dooran doonaa guddoomiye KMG ah, iyadoo ninka ugu da’da weyn uu noqonayo Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka cusub, Iyadoo la magacaabi doona Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kuwaasoo iclaamin doona xilliga ay dhaceyso doorashada.
Dhinaca kale, xarunta Guddiga FEIT ee Muqdisho waxaa iyana ka socda shahaado siinta Xildhibaanada labada gole, balse Xildhibaanada maanta ugu badan ee qaadanaya shahaaddada ayaa ah kuwa Koofur Galbeed oo hore iskaga diiday in ay qaataan shahaadada Xildhibaanimo, kadib markii maamulkii laga soo doortay uu kasoo horjeestay kuraas saddex ah oo uu Guddiga FEIT shaaciyay in lagu laabanayo.