6″ March “2023
Jilaaga caanka ah ee Amitabh Bachchan oo Soomaalidu ay u taqaano Cali dheere ayaa dhaawacmay Axadii Isaga oo ku guda jira filim uu ku duubayay koonfurta Hindiya Dheeho.com
Amitabh Bachchan ayaa sheegay in uu dhaawac soo gaaray xili Isaga oo jooga gurigiisa Iyadoo warbaahinta ka hadashay dhaawaiciisa ooy ka mid tahay Washingtonpost ay ka qortay warbixintan
Xiddiga 80 jirka ah ee Bollywoodka ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay in uu dhaawac ka soo gaaray feeraha xilli uu ka shaqeynayay Hyderabad duubista filimka sayniska ah ee “Project K”. Waxaa lagu sameynayaa luqadaha Hindi iyo Telugu waxaana la qorsheeyay in filmkan la sii daayo 2024.
Bachchan waxa uu qoray in uu dhaawaca ka soo gaaray feeraha iyo jeexjeex muruqa ah. Waxa uu sheegay in dhaawaca uu ahaa mid “xanuun leh” oo uu la tashaday dhakhtar ka hor inta uusan u duulin gurigiisa ku yaal magaalada Mumbai, halkaas oo lagula taliyay inuu ku nasto.
“Ma awoodi doono inaan la kulmo dadka wanaagayga jecel fiidkan, ayuu yiri Amitabh Bachchan galabnimadii markaa ha imanina,”gurigeyga ayuu jilaagu ku yiri taageerayaashiisa oo inta badan isugu soo baxay bannaanka gurigiisa oo ku yaala Mumbai. “Dhammaan wax walba waa wanaagsan yihiin,” ayuu qoray Actor-ka Cali dheere oo sheegay in shaqadiisa filimka la hakiyay ilaa inta uu ka soo bogsanayo.
Actorka Bollywood-ka Amitabh Bachchan ma aha markii ugu horeysay ee uu dhaawac ka soo gaaro filim uu sameeynayay. 1983-kii, intii lagu guda jiray Filmka Coolie goob dagaal oo ku waxa soo gaaray dhaawac halis ah shil waxaana lagu dhawaaqay “Inuu dhintay.” Dadka ku nool Hindiya ayaa maalmo badan ku qaatay salaadda macbadyada iyo duco ay la taagnaayeen dadweynaha. Aakhirkii waxaa loo sheegay Inuu bogsaday oo dhameeyay filimkii.
Bachchan ayaa wax ka jilay in ka badan 200 oo filim oo Hindi ah. Horumarkiisa wuxuu ku yimid filimkii 1973 ee “Zanjeer,” ama “Silsiladda,” wuxuuna u kacay heer sare isagoo ciyaaraya jilayaal geesinimo leh, isagoo taageerayaasha ku dhiirigeliyay inay koobiyeeyaan timihiisa, dharkiisa iyo codkiisa qoto dheer.
Jilaaga caanka ah sidoo kale waa siyaasi hore iyo barnaamij daadaaihiye TV.