17″ January “2022” Isniin” Baladweyne
Shabakada Hiiraan Online ayaa daabacday arin u muuqata isbadal ka dhacay magaalo madaxda gobolka hiiraan ee baladweeyne oo in mudo ah uu ka jiray qilaaf.
Waxaa maanta mar qura warbaahinta kasoo wada hor muuqday rag ay siyaasadu kala fogeysay oo dagaalo dhiig badan ku daadatay uu horay dhexmaray, kuwaas oo ay ka mid ahayeen guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka qalabka sida, Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda iyo hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xuud, kuwaas oo dhamaantood maanta iskugu yimid soo dhaweynta taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo maanta gaaray magaalada Baledweyne
Jenaraal Abuukar Xaaji Waraame Xuud oo warbaahinta la hadlaayay isagoo dhinacyadiisa ay taaganayeen guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali jeyte iyo Taliyaha ciidanka dhulka Jenaaal Maxamed Tahliil Biixi iyo taliyeyaal kale oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shegay in la heshiin karo lana dagaalami karo, isagoona si cad u sheegay inuu wali u taagan yahay raadinta xaqa ka dhaman reer Hiiraan.
“Waxa aan maanta soo dhaweyneynaa Gen. Biixi oo Baladweyne u yimid dan & Maslaxo guud oo ah xaq naga maqan oo aan baadi goob u nahay tusno waddadii loo mari lahaa isagana la tuso waddada aan wax ku qaadan lahayn, taas waan ku faraxsanahay, dadow ha isku sirminada oo ogaado in la dagaalami lana heshiis karo, cid weliba ayaa og xaqqa naga maqan, insha allaah waan keeni doonaa cidda mudan ayaan u dhiiban doonaa” ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.
Taliyaha ciidanka dhulka Jenaaal Maxamed Tahliil Biixi oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ka qeyb qaadanaayo dadaalka lagu raadinaayo xaqa ka maqan reer Hiiraan, islamarkaana lagu raadin doono si ka fudud sidii horay loogu raadiyay oo uu sheegay in laga baaqsan karay waxyaabahii soo dhacay, isagoona ugu baaqay shacabka reer Baldweyne iney ka shaqeeyaan nabadgalyada.
“Arrinta walaalkey ka dhawaajiyay Abuukar ee ah xuquuqda ka maqan dadka iyo deegaanka waa muhiim, insha allaah waxa aan wax ku raadin doonaa waddo saqiran oo nabadgalyo ah, Cid weliba oo Baladweyne joogta waxa aan ka rabnaa in kalsooni ku joogto kuna seexato, reer Baladweynaha dibadda jira waxa aan leeyahay dhammaanteen waa na kan oo gacmaha is heysano, nabadda na gala shaqeeya” Ayuu yiri Jenaraal Biixi.
Si kastaba ha ahaate kulankaan maanta mideeyay dhinacyada horay colaada adag uga dhaxeysay ayaan si buuxda loo ogeyn in hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan uu ogolaaday in magaalada Baledweyne uu yimaado madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo uu dhowr jeer oo hore uu ka hor istaagay inuu yimaado Baledweyne.
Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa in mudo ah waxaa laga dareemayay xiisado u dhaxeysa ciidamada Jabhadda Jeneraal Abuurkar Xuud iyo maamulka HirShabeelle, gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka maamulka Yuusuf Dabageed
Xiisadan ayaa kuwoodii ugu darnaa waxa ay dhaceen bishii February ee sanadii hore markii ciidamada Jeneraal Xuud ay aad ugu soo dhawaadeen magaalada, sidoo kalana heegan la geliyey ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, oo magaalada ku sugnaa .waqtigaas
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne, oo uu ku kulmay duleedka magaalda ayaa Jeneraal Xuud xiligaas waxa uu ka dalabaday in magaalada baladweeyne laga saaro madaxweyne ku xigeenka maamulka hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo taliyaha booliska magaalada Xasan Dhicisow.
Base markii arintaas laga dhaga adaygay waxaa dhacay dagaal uu afhayeen u hadlay Jabhadda Jeneraal Xuud xiligaas ku sheegay inay qabsadeen qeybo ka tirsan magaalada, sida xerada Lamagalaay oo ku taalla duleedka magaalada, isagoo sheegay in hadafkoodu yahay in magaalada laga saaro Yuusuf Dabageed iyo taliyaha booliska, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay xirxirayaan dadka biramageydada ah ee ra’yigooda iyo rabitaankooda cabiraya