Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa laga saaray xulka Nations League,
Pep Guardiola ayaana xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka Arsenal Kevin De Bruyne “Inkatoo soo laabashada Sergio Aguero ay noqon karto Arsenal in ay wajahdo loolanAdag .
De Bruyne ayaa ka baxay xulka Belgium bartamihii isbuucaan, tababaraha City Pep Guardiola ayaa sheegay inuusan awoodin inuu waqti cayiman u sameeyo soo laabashada ciyaaryahanka khadka dhexe.
City ay ciyaarayso afar Premier League iyo seddex kulan oo Champions League ah saddexda toddobaad ee soo socda, dhaawac kasta oo soo gaara wuxuu noqon doonaa dib u dhac weyn.
Nasiib daro De Bruyne wuu maqan yahay, laakiin inta kale ee ciyaartoyda ayaa sifiican kusoo laabtay,” ayuu Guardiola ku sheegay shirkiisa jaraa’id. “Uma maleynayo inay tahay [mid culus], laakiin kulamada soo socda waxaan qabaa inuu maqnaan doono. Waan arki doonaa.”
Tababaraha City ayaa sidoo kale diiday inuu xaqiijiyo in Aguero uu ka mid noqon doono kooxdiisa kulanka Arsenal iyo inuu ka taxadari doono weeraryahanka reer Argentine, kaasoo seegay ku dhowaad afar bilood ka dib markii uu jilibkiisa ku dhaawacmay kulankii 5-0 ay kaga badiyeen Burnley bishii June.
Kadib qaliin lagu sameeyay Barcelona, Aguero wuxuu rajeenayay inuu qeyb ka noqdo kooxda dhamaadka xili cayaareedka tartanka Champions League ee Portugal laakiin soo kabsashadiisu waxay qaadatay waqti ka dheer sidii la filayay.
32 jirkaan ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda koowaad intii lagu jiray fasaxa xulalka wuxuuna fursad u haystaa inuu ka mid noqdo kooxda Guardiola.
“Si wanaagsan ayuu tababarka u qaatay waanan ku faraxsanahay, waxaan u baahanahay weeraryahan,” Guardiola ayaa raaciyay. “Waxaan ciyaarnay iyaga la’aantood laakiin wuxuu tababar qaatay seddex ama afar maalmood, waana ku faraxsanahay inaan ku aragno isaga oo garoonka ku soo laabtay waqti dheer ka dib”.
City waxaa ka maqnaa weeraryahan la aqoonsan yahay ka dib markii Gabriel Jesus uu dhaawacmay kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka ee ay la ciyaareen Wolves, ciyaaryahanka reer Brazil ayaan weli ku soo laaban tababarka.
“Dhaawac ayuu ka qabay muruqyada qaar taas oo micnaheedu yahay inaanan qatar u geli karin,” ayuu yiri Guardiola. “Waxay ku jirtaa qeybta hore ee lugtiisa haddii ay dhaawacan tahayna waanu waayi lahayn muddo dheer. Ma garanayo waqtiga.”
Guardiola ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabay dhaawacyo badan laakiin waxa uu bilaabay inuu helo ciyaartoy badan oo taam ah oo la heli karo. Ciyaaryahanka khadka dhexe Ilkay Gundogan ayaa diyaar ah ka dib markii uu ka soo kabsaday Covid-19 halka Joao Cancelo iyo Bernardo Silva ay ka soo muuqdeen seddexdii kulan ee Portugal intii lagu jiray fasaxii xulalka.
Tababaraha reer Catalonia ayaa ku faraxsan in ciyaartoydiisa ay awoodaan inay daqiiqado ku helaan garoonka ka dib xilli ciyaareed adag oo gaagaaban oo inbadan oo xulkiisa ah.
Raheem Sterling ayaa sidoo kale diyaar u noqon kara inuu wajaho Gunners inkasta oo dhaawac muruqa ah looga saaray xulka England