Dhaawacyadii Ciidanka Somaliland Oo Dhexda Loo Galay

3″ April “2023

Wararka ka imaanaya deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad ka dhalaty weerar lagu qaaday gaari siday Askar dhaawac ooy leeyihiin ciidamada Somaliland

Gaariga oo ah kan ciidamada Somaliland oo sida la sheegay siday dhaawac ayay fiidnimadii Sabtidii koox deegaanka ah dhexda u galeen oo xabbadeeyeen, ciidamada ayaa dhankooda la sheegay inay ku jawaabeen rasaas ay ku fureen magaalada, halkaasoo sida la sheegay khasaare uu ka dhashay, sida uu BBC-da u sheegay Cumar Axmed Dayib oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka ka qaxay deegaanka Aricaddeeye – oo 30km u jira magaalada Laascaanood – ayaa waxaa ka mid ah kuwo markoodii horeba ka qaxay dagaalka Laascaanood.

Xaal壯陽藥 ka magaalada Laascaanood ayaa degganaa shalay iyo maanta, kaddib dagaal ka dhacay Sabtidii, oo dadku ay ku tilmaameen kii ugu cuslaa intii ay dagaalladu ka socdeen magaalada.

Leave a Reply