March 4″ Friday “2022 ” Baladweeyne “Radiomuqdisho
Sida ay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka magaalada Beledweyne, waxaa la toogtay labo ka mid ah argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne caawa ku dilay Axmed Xasan Biriq oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska HirShabeelle.
Waxaa lasoo bandhigay sawirrada meydadka labada dhagarqabe ee la toogtay, sidoo kale waxay saraakiishu noo sheegeen in nolosha lagu qabtay seddax qof oo kale, kuwaas oo lagu tuhmayo inay dilka sarkaalka ku lug lahaayeen.
Magaalada Beledweyne waxaa ka socota doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, waxaana ku sugan dhamaan madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.