16- November-2023
Dhageeysiga dacwad la xiriirta Musuqmaasuq , Lunsasho hanti qaran iyo ku tagrifal awoodeed oo lagu Maxkamaddeyo ilaa 15 masuul oo badankood dalka ka baxsaday ayaa maanta ka bilaabatay Magaalada Muqdisho” Dheeho News Every Day
Maxkamadda sare ee caasimadda Soomaaliya ayaa si toos ah uga billowday dhageysiga dacwad musuq maasuq ah oo taleefishinnada laga daawado, iyadoo dhageysiga dacwad ka dhan ah afar sarkaal oo ka tirsan waaxda socdaalka ay ka billaabatay maanta oo Khamiis ah maxkamadda gobolka ee Muqdisho.
Xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa dhawaan soo oogtay dacwado ka dhan ah 18 mas’uul oo lagu eedeeyay musuq maasuq, xatooyo iyo lunsi hanti dadweyne, been abuur dukumentiyo iyo shaqo la’aan.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi, kaasi oo lagu soo eedeeyay inuu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka dhacay lacag ka badan 4 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah bilo ka hor.
Sidoo kale eedaysanayaasha waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ah dhaxal sugaha Koofi oo wajahaya eedeymo mus犀利士 uqmaasuq oo dhan 5,327,355 dollar. Labadan mas’uul ayaa ka baxsaday Soomaaliya ka hor inta aan la soo saarin amarka lagu soo xirayo ee ay maxkamaddu soo saartay.
Cismaan Xasan Cosoble, C/kaafi Xasan Maxamed, iyo Sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda oo lagu magacaabo Muxiyidiin Xasan Jurus oo lagu eedeeyay inay lunsadeen lacag dhan 20 milyan oo dollar. Isaguna waa baxsad oo waxaa lagu xukumi doonaa isagoo maqan.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay xukunno ugu ridday mas’uuliyiin kale oo u kala shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Shaqaale ka tirsan Bankiga Dhexe, iyo Hay’adda Socdaalka.
Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka gashay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida ay sheegtay hay’adda musuq-maasuqa ee CPI, taasoo ay ugu wacan tahay sharci-darro iyo la’aanta dowlad awood leh oo maamusha hantida.