Dowlada somalia waxay diiday in Al- Shabaab Ay Ku Sharaftay Sii daynta Dhaqaatiirtan
Inkastoo Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Cuba Bruno Rodriguez uga mahadceliyay dowlada Soomaaliya gacantii ay ka geysatay sii deynta labadan dhakhtar ee afduubka ay u haysteen kooxda shabaab hadana dowlada somalia way iska fogeeysay hubaal,noqoshada sii daynta labadan dhaqtar,
Sii hayaha Wasiirka arimaha arimaha dibada ee dowlada somalia asked ciise cawad oo la hadlayay BBC laanteeda afka somaliga yaa beeniyay sii daysamada dhaqaatiirtan Cuban ka ah
Hadaba ma moodaa masaxida raadka wadahadalka oo ay ka muuqato in dagalmaayasha shabaab ay dowlada somalia ku sharfeen siidaynta labadan dhaqtar oo dowlada somalia siyaasad ahaan beenisay in la sii daayay halka uu sarkaal police ka u hadlay uu xaqiijiyay sii daysmadooda
Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowlada Cuba iyo dowlada soma!ia ay ka wada hadleen dhaqtiirta kooxda shabaab u afduuban tan iyo bishii April sanadkii 2019.
Dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba oo laga soo afduubtay dalka Kenya ayaa la sii daayay sida laga soo xigtey sarkaal ka tirsan dowlada Soomaaliya
Hase yeeshee lama sheegin illaa iyo hadda halka lagu sii daayay dhakhaatiirtan.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyay dowlada
Soomaaliya gacantii ay ka geysatay sii deynta labadan dhakhtar ee afduubka loo haystay.
Labadan dhakhtar ayaa laga soo afduubtay magaalada Mandhera bishii April sanadkii 2019.
Waa markii labaad ee Alshabaab ay sii daayaan qof ajnabi ah oo ay ka soo afduubteen dalka Kenya,waxaana bartamihii bishii May ee sanadkan ay Alshabaab sii daayeen haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga Silvia Romano.