( 7- January-2024 )
Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa maanta dibad bax ay uga soo horjedaan damaca Dowladda Ethiopia iyo Heahiis beenadka ay la gashay Muusa Biixi, ku qabatay Xarunta Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dibad-baxaan ayaa waxaa ka qeyb galay arday Dugsiyada Degmada Yaaqshiid, Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo Ururka Haweenka Degmada
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleyman Maxamuud Fargah ayaa uga mahadceliyay shacabka Degmada Yaaqshiid sida ay uga soo qeyb galeen dibad-baxa looga soo horjeedo damaca guracan ee Ethiopia iyo Muusa Biixi.
Shacab fara badan oo magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya isugu soo baxay
Shacab fara badan oo magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya isugu soo baxay ayaa maanta dhigay bannaabax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee qeyb kamid ah Badda Somalia Dheeho News Every Day
Banaan-baxayaasha oo Bartamaha magaalada isugu yimid ayaa ku dhawaaqaya baddeenna iib mahan iyo erayo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliland, iyagoo tilmaamay in heshiis beenaadkaas uusan marna suuragal ka aheyn in laga fuliyo dhulka Soomaaliyeed.
Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo hubka qaatay
Dadka Deegaanka Lughaya oo maanta dhigay Banaan bax ay 犀利士 ku diidan yihiin in Deegaankooda la siiyo Itoobiya ayaa la soo baxay hubkooda iyagoo sheegay in ay dhimasho ka xigaan in taako dhul ah laga siiyo Baddooda Itoobiya. Dheeho.com
Dhalinyaradda ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed kaas oo ah in lagu garabsiiyo difaaca Badda Soomaaliya oo ay Itoobiya rabto in ay sife boob ah ku qaadato.
Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo maanta dhigay Banaan bax ay ku diidan yihiin in Deegaankooda la siiyo Itoobiya ayaa la soo baxay hubkooda iyagoo sheegay in ay dhimasho ka xigaan in taako dhul ah laga siiyo Baddooda Itoobiya.
Dhalinyaradda ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed kaas oo ah in lagu garabsiiyo difaaca Badda Soomaaliya oo ay Itoobiya rabto in ay sife boob ah ku qaadato