Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xayiran garoon diyaaradeed oo ku yaalla Brazil oo BBC-da la hadlay

Waxaa muddo toddobaad ka badan garoonka diyaaradaha ee magaalada São Paulo ee dalka Brazil ku xayiran dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo loo diiday inay ka baxaan garoonka.

Dhalinyaradan oo kala ah laba qaybood oo ku kala horreeyey gaarista Brazil loo sheegay inay ku sugnaanayaan garoonka inta ay jawaab ka helayaan dowladda dalkaasi.

Sida uu BBC-da u sheegay Amiir Nuur Cali oo ka mid ah dhalinyaradaas waxay dalka ku beegmeen iyadoo maalin ka hor uu soo baxay sharci ay soo saartay dowladda Brazil oo la xiriira inaysan joojisay qaabilaadda qaxootiga.

“Xaaladda garoonka nagu haysta waa uun iska dad xiran oo iska qaxooti ah oo dhul shamiito ah iyo qabow tiro badan uu ka jiro mesha meeshas jiifto wax buste an haysan” ayuu ku sawiray waxa haysta Amiir .

Dhalinyadan ayaa ka safray dalka Koonfur Afrika sida uu BBC-da u sheegay Amiir ujeedka safarkooda uu yahay inay u sii tahriibaan dalka Maraykanka.

Wuxuu intaa ku daray in kooxdooda wada socotay ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee São Paulo dhammaadka bishii Agoosto.

“Inteenna wada socotay waxaan gaaraynaa ilaa 18 qof waxaa kale jirta Soomaali kale oo naga soo horreeysay oo 12 dhan, iayagana sidayada oo kale ay ku jiraan waxa macquul ah inay dadka qaar labaatan bari ku sii jireen meesha” ayuu BBC-da u sheegay Amiir.

Amiir, wuxuu sheegay inay markii hore lagu hayey goob gaara intooda Soomalida ah ee wada socday balse markii danbe loo keenay dad kale oo ajaaniiba oo iyaguna ku xayiran garoonka São Paulo ee dalka Brazil.

Wuxuu intaa raaciyey in u yimadeen saraakiil ka tirsan dowladda Brazil ayna u sheegeen inay sugaan go’aanka ay ka gaarayaan.

“Waxaa jira wiil yar oo noogu yaraa intayada wada socotay oo xitaa isaga meel gooniya ay ku xireen”ayuu yiri Amiir

Rajadooda ka dib go’aankii dowladda

Inkasta oo ay dowladda Brazil soo saartay sharci ay ku joojinayso inay qaabisho qaxooti hor leh, hadda dhalinyarada waxay sheegeen inay filayaan inay helaan qaabilaad qaxootinnimo.

“Xaaladdeenna waxay ku danbayn doono ma naqaano, annaga sidaan jecelnahay waa in lana qaabilo oo an ka mid noqo dadka qaxootiga ee caadiga ee la qaabilayo , laakiin sidaan moodaynay ma noqon.” ayuu BBC da u sheegay Amiir

Isagoo ka hadlayey Amiir, waxa ay ula muuqato rajadooda ayuu yiri “Dadka qaar waxay leeyihiin waa la idin tarxiilayaa, dadka qaar waxay leeyihiin waxaa macquula in la idin qaabilo maadaama aad tihiin dadkii ugu horreeyey ee sharciga jabiya, marka annaga uun waxaan rajaynaynaa inay na qabilaan ma garan karno najiitada kama danbaystaa ee noo soo bixi karta”

Jaaliyadda Soomaalida ee Brazil oo ka hadlay xayiraadda dhalinyaradan

Soomaali

Sida uu BBC-da u sheegay Amiir Nuur oo ka mida dhalinarada ku xayiran garoonka jaaliyadaha ku nool Brazail ayaa door ku leh inay ku dhaqdhaqaan dadyowgooda ku go’doonsan garoonkaasi.

Mahad Weheliye Raan, waa xubin ka mida Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Brazil ahna barre sare oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Brazil, wuxuu BBC-da u sheegay in dadka hadda ku xayiran garoonka ay ku soo beegmeen xilli uu dhaqan galayey sharcigii dowladda Brazil ee ahaa inaysan qaabilayn qaxooti hor leh oo dalkooda soo gaara.

Sharciga ayaa ku ekaa 26-dii bishii bishii Agoosto markaas oo wixii ka danbeeya lagu xayiryey garoomada ay ka soo dagaan ee dalka Brazil.

“Intooda badan Soomaalida waxay isticmaalayeen madaama ay ku adagtahay Soomalida inay soo helaan fiisayaasha saxda ee Brazil ku soo galayaan a waxay soo qaataan dukumentiyo ah inay transit Brazil ku marayan ka dibna markii ay garoomada dalka soo gaaraaan ay halkaas waxay ka codsadaan in qaxooti ahaan loo aqbalo” ayuu BBC-da u sheegay Mahad.

Wuxuu sheegay in Soomaali badan ay qaxootinimo ka dalbadaan dalka Brazil basle caqabad Soomaalida u gaarka ah ayuu ku sheegay Mahad, inay tahay inaysan dowladda Soomaaliya safaarado ku lahayn dalal badan oo Laatiin Amerika ah ku yaalla.

“Dowladda Brazil waxay hadda ku wareertay yaa Soomaali ay”ayuu yiri Mahad

Tallaabada ay arintan dowladdu u qaaday ayuu Mahad ku sheegay inay tilmaameen si ay u hakiyaan qulqulka tiro beelka ah ee qaxootiga gaaraya dalka Brazil.

Isagoo sii hadlayey Mahad, wuxuu sheegay in jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Brazil ay xoogga saarayaan sidii ay u caawin lahaayeen dadka Soomalida ah ee dalkaasi soo gaara ee dalbada qaxootinnimo.