Dhallaanka Falastiin waxay Gaza ka bartaan dhawaaqa gantaallaha ka hor heesaha carruurnimada

18- November-2023

Dhallaanku waxay Gaza ka bartaan dhawaaqa gantaallaha ka hor heesaha carruurnimada.

Dhallaanka cusub marka ay noloshooda bilaabayaan iyada oo uu dagaal ba’an socdo” ayaa ka mid ah ereyo ku jira Warqad uu qoray wariye dhaawac ah oo la hadlayay ilmihiisa Gaza kaas oo Ciwaan uga dhigay warqadiisa” Waan Ka Xumahay Riyadii Idinku Habooneeyd”

“Dhallaankeyga qaaliga ahoow Duniddu waxay isu badashay xabaasha kuwa aan waxba galabsan

“Waxaan fahamsanahay inaad dareenteen inay wax khaldan yihiin_Dareen-celintiina qaraxyadu waa kuwo la dareemi karo – gariir iyo oohin dhawaq kasta oo garaac ah.

“Mararka qaarkood, waxaad jawaabo ka raadisaa wejiyadayada, adinkoo dhibsanaya duqeymaha joogtada ah ee gantaalaha iyo diyaaradaha dushiina guuxa daran ku furs xilliyada habeenkii.

“Dhallaankayga qaaliga ahoow_Waxaan warqaddan qoray anigoo rajaynaya inaad ku kori doontaan adduun aan badbaado laheyn oo dhimashada carruur ka badan 5000, oo lagu dilay 5 todobaad aan waxba ka soo qaadin, nasiib darro, natiijadaasi waa mid aan la hubin_Xaaladda socota waxay igu qasbeysaa inaan caddeeyo jiilkiina

“Waxaan rabaa in aan idin baro aduunkan “cajiibka ah” ee marag hababka kala duwan ee xasuuqiina , hadana Aamusan

“Markaan indhahaaga eego, waxa aan qiyaasayaa in carruurtii ku dhaawacantay dhibaatadan la awoodi waayay daaweyntooda markii cisbitaalka al-Shifa laga raray, kuwaas oo naftoodii halis la geliyay.

“Ilmahaygiiyow, qalbigaygu aad buu u ooyayaa. Maalin kasta oo aan cisbitaalka ku jiro, waxaana ilmada iga keenaya caruurteyda oo ku koraysa qalalaasahan.

“Waan ooyaa markaan arko idinka oo ku dhex qoslaya teendhooyin ka sameysan cooshado, anoo ka war haya masiibada naxdinta leh ee hareerihiina ka dhacaysa –

“Usbuucii hore, oohintaada aan kala go’a lahayn iyo raaxo la’aanta ayaa nagu wareerisay ilaa ayeeyo xanuunka kelyaha ay shaaca ka qaaday sababta – biyo aan nadiif ahayn.

“Marka aan ku soconno dagaalkan dhabta ah ee haraadka iyo gaajada, ka doodista qaabka ugu habboon ee adiga kugu habboon waxay u egtahay mid su,aallo badan ay dul hoganayaan

Wax walba hadda waxay ku wareegayaan ka hortagga gaajada Iyadoo ay sii socoto Duqeymaha cirka oo gaysanaya dhiig aan dhamaad lahayn, kuwaas oo lala beegsanayo dhinac kasta oo nolosha ah, taasoo ka d犀利士 higaysa aduunkan mid aan badbaado u lahayn dhallaanka aan waxba galabsan ee adiga oo kale ah ayuu ku soo gabagabeeyay warqdiisa

Leave a Reply