Dhamaadka Qab-jabkii Somalia waxay meesh ka saartay Marmarsiiyihii Alshabaab!! By / Elmi Osman Farah Boodhari
SOMALIA🇸🇴Waxaa hoos u dhacaya marmarsiiyihii kooxaha Argagixisada kadib guusha Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka gaaray soo gabagabeynta Xadugudubyadii Itoobiya ee soo biloowday xiligii Cabdulahi Yusuf
Madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayaa dhaqan geliyay go’aankii dowladda uu hoggaamiyo ee ku aadanaa joojinta faragalinta Itoobiya ee arimaha Somalia oo sal u ahaa weerarada kooxaha xagjirka ah
Xadgudbyada ayaa noqday mid ka sii darayay tan iyo markii dowladii Madaxweyne C/llahi yuusuf ay gudaha Soomaaliya soo galisay ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho oo kaliya ku dilay dad ka badan 20,000 ku oo qof oo rayid ah
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah ooy jimcihii ka yeesheen arrimaha Soomaaliya, waxay ku ansixiyeen qaraar wax looga bedelayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo markii hore ahaa #ATMIS,Islamarkaana laga dhigay #AUSSOM.
Ciidamada Itoobiya ayaa si buuxda looga reebay howlgalkaas cusub ee loo ansixiyey Soomaaliya, howlgalkii ATMIS ay ciidamada Itoobiya ay qeybta ka ahaayeen ayaa ku eg 31-ka bishan December 2024.
Qaraarka uu maanta ansixiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa meesha ka saaraya warar baraha bulshada lagu faafiyey maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo sheegayey in dowladda Soomaaliya ay cadaadis dheer kadib ogolaatay in ciidanka Itoobiya aan laga reebin howlgalka cusub.
Dhamaadka Joogitaankii Ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen gudaha Somalia oo soo jiray in kabadan 20-ka sano ayaa noqday talaabo u muuqata guul astan u ah soo kabashada hanaanka dowladnimo ee Somalia