9″ “June” 2022″ Muqdisho”
Dhamaan waxaa la guryo noqday iyadoo la rajeeynayo geeska Africa in ay u bilaabaneeyso WAA CUSUB ” Dheeho.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku yiri hadal mid kastaba saaxiib dhaw ka dhigaya markii uu kulan gaar ah la qaatay Madaxda Geeska Afrika ee Muqdisho u tagay in ay ka qaybgalaan xaflada caleemo saarkiisa
Madaxweyne Xasan oo uu wehliyo madaxweynihii hore Maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa u sheegay intii aaney dib ugu laaban dalalkooda wufuuda geeska Africa in uu hoggaamin doono Soomaali dhaxdeeda heshiis ah oo caalamkana la heshiis ah”.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta,ayaa hadalkaas soo dhaweeyaya Isaga oo socdaalkiisa u arka in uu ahaa mid muhiim ah, maxaa yeelay waa markii ugu horreysay ee uu Muqdisho tago tan iyo markii ay Soomaaliya dib u soo celisay xiriirkii dublamaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya sannadkii hore bishii June, kaddib lix bilood oo khilaaf uu ka dhax jiray labada waddan iyadoo Kenya ay u baahan tahay in la soo nooleeyo suuqii gancsi ee qaadka Mirowg ah ooy ku lahayd somalia
Halka Raysilwasaare Abiy axmed oo waayay saaxiib muhiim ah oo uu ku lahaa geeska Africa uu muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wax la qabsadaan somalia .
Madaxweyne Geelle ayaa ku qanacsan isbadalka talada somalia iyo imaanshaha Madaxweyne Xasan shiiq Isaga oo uu arko in talaabo uu kaga nafisayo ay tahay siyaasadii sadax geesoodka Ethiopia, Somalia iyo Eritrea ee go,doonka galisay Djibouti
Uganda oo ciidmo nabad ilaalin ah ay ka joogaan Somalia iyo Masar ayaa muujiyay isbadalka hogaanka Somalia ee ku yimid sida nabad ah in uu ahaa mid loo baahnaa marka la eego heerka uu gaarsiisnaa wadashaqeyntii kala dhaxeeysay maamulkii hore oo ahaa mid aan sidaas u sii weeyneeyn