Dhambaal Laga Siday Xasan Sheekh Oo La Gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka

15″ Aug” 2022″

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Xuseen I壯陽藥 braahim Dhaaha.

Kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la egyahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamku ayaa dhankiisa muujiyey walaaca ay ka qabaan saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay Kalfadhigii Afartan iyo Siddeedaad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee (OIC) ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergayga iyo Xoghaya ayaa isla gartay talaabooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii (OIC) oo hadda ka kooban 57 Dowladood, waxa ay had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka, kaasoo qudhiisu si firfircoon uga qayb qaaday teegeerada iyo dadaallada muddada socda ee lagu baadi goobayo in mar kale Soomaaliya ku gaarto nabad iyo xasillooni, si buuxdana ugu istaagto cagaheeda.

Leave a Reply