Dhaqtar Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu cudur halis ah ku weerari rabay Kenya oo xukun lagu riday

22- April-2024″ Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa 12 sano oo xarig ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqaan Abu Fidaa oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Garsooraha Maxkamadda Martha Mutuku, oo xukunka ku ridday Fidaa, ayaa sheegtay in ay tixgalisay muddadii siddeedda sano ee horey xabsiga uu ugu jiray eedaysanuhu.

Ninkan bartay caafimaadka ayaa lagu helay dambi ah in uu xiriir la lahaa dhalinyarada kale ee ka dagaallanta dalka Liibiya ee Daacish.

Waxaa kale oo dacwad ooguhu sheegay in shabakadda Maxamed Cali, ay ka caawisay dhalinyaro Kenyan ah inay ka tagaan dalka si ay ugu biiraan kooxaha dalalka Liibiya iyo Siiriya.

Dacwadaha lagu soo oogay Maxamed, waxaa ka mid ahaa in shabakaddiisu uu ku ballaariyey gobolka Xeebta, Rift Valley iyo gobollada galbeedka dalka Kenya iyo sidoo kale dal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Liibiya.

Dhaqtarkan Kenyan ah ayaa lala xiriirinay kooxda Daacish, isagoo lagu eedeeyey inuu qorsheynayay weerar bayooloji ah siddeed sano ka hor.

Maxamed ayay maxakamaddu sheegtay inuu qorsheynayay inuu weerarka u adeegsado fayraska kudka, balse waa la qabtay ka dib markii ay booliska xog ka heleen xubno ka tirsan dadweynaha.

Cali waxaa sidoo kale lagu eedeeyey dambi ah in uu dhalinyarada ku xiriiriyay dagaalyahanada kale ee Daacish ee Liibiya. Waxaa lala xidhay laba qof oo kale oo lagu waayay wax caddayn ah.

Waxaa lagu helay in uu qorsheynayay in Kenya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika uu ka aas aaso ururka Daacish sanadkii 2016-kii.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Kenya ‘ODPP’ ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa arrimo la xiriira falal argagixiso.

Xaaskiisa Ummu Fidaa, ayaa iyada la sii daayey markii lagu waayey caddaymo ku filan.

KUDKA

Waa maxay saddexda calaamadood ee kudka?

Kudka wuxuu dadka ama xoolaha ugu dhacaa saddex qaab, sida ay sheegtay WHO:

Kudka maqaarka: caabuqa ayaa gala halka dhaawaca ka ah xoolaha – waa nooca ugu badan uguna halista yar. Wuxuu ku billowdaa nabro jirka kaoso baxa, xanuun la’aan ah oo bar madow yeesha. Dadka qaar ayaa kadib waxay la kulmaan madax xanuun, murqo xanuun, qandho iyo mantag

Kudka caloosha: Noocan ayaa sababa calaamado hore oo la mid ah sumowga cuntada, balse wuxuu keeni karaa xanuun ba’an oo caloosha ah, mantag dhiig ah amaba shuban daran

Kudka limooniyada: Kani waa nooca ugu khatarsan wuxuuna marka hore u ekyahay sida hargabka, balse wuxuu keeni karaa dhibaatooyin ba’an oo neefsashada ah

Sidee kudka loogu beddeli karaa hub?

kudka

Waa suurtogal in kudka loo beddelo hub iyadoo bakteeriyada kudka si fudud looga heli karo dhulka, lagu sameyn karo sheybaar, uuna muddo dheer kusii jiri karo deegaanka.

Waxayna u baahan tahay qalab casri ah, iyo bakteeriyo asal ahaan ka timid kudka oo howsha lagu sii bilaabo.

Waxaa la sii deyn karaa iyadoo cidna aysan ka war helin. Bakteeriyada il ma qabatada ah ayaa lagu dari karaa budo, waxyaabaha la buufiyo, cunnada iyo biyaha, waana adag tahay in la arko, la uriyo ama la dhadhamiyo.

Waxaa xusid mudan weerarkii 2001, markaas oo kudka lagu weeraray siyaasiyiin Mareykan ah iyo xafiisyo warbaahin maalmo yar kadib weerarradii 11 September.

Tilmaam gaar ah: Warbixintan waa la cusbooneysiiyay iyada oo lagu kordhiyay xog cusub, lagana saxay xog iyo faahfaahin dheeraad ah oo horey ugu jirtay markii uu cinwaankeedu ahaa: Muxuu yahay xanuunka halista ah ee xoolaha Soomaalida looga baqayo inuu kusoo laabto?

Leave a Reply