Dhawaaqa Bulshada Caalamka Dhaymo Siyaasadeed Mise Dhaga Ka Fureeysi ?

24″ April” 2021 “Tifatiraha Dheeho.com

Elmi Osman Farah ” Boodhari ”

Dhawaaqyada bulshada caalamka ee lagu diidan yahay mudo Isu kor,dhinta farmaajo ayaa Isi,,soo taraya marba marka danbeeysa midawga yurub,maraykanka midowga africa iyo golaha amaanka ee qaramada midoobay, ayaa dhamaantood si,cad uga horyimid mudo kororsiga

Hase,yeeshee soomaalida ayay ku xiran tahay hadba sida ay u fahmaan dhawaaqayada caalamka in ay ka dhigtaan kuwo dhaymo siyaasadeed u noqon kara waqtigan iyo in ay dhagaha ka fureetstaan,

Waana halka aan uga dhaqaaqi doono xaalada cakiran oo noqon karta dhabe cusub in loo furo dhibaatada ama in dhaymo loo helo xaalada

Xayeeysiin”

Marka si,quman loo fiiriyo hadalkii Xafiiska Arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu ku taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay ku cambaareeyay muddo Isu kordhintii baarlamaanka u sameeyay madaxaweynihii hore ee soomaaliya maxamed cabdulaahi Farmaajo waxaa kuu muuqan karta suurtagalnimada in taladu ay ka baxdo faraha soomaalida, hadii aaney heshiis degdeg ah ka gaarin arimaha doorashada

Taliyaha Milatariga Mareykanka ee taliska AFRICOM General Steph Townsend oo isna khamiistii u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in welwelka ugu badan ee haatan ka jira Soomaaliya aanu aheyn Al-Shabaab, balsa uu yahay deganaan la’aanta siyaasadeed ee aan xallin karin caqabadaha ayaa hadalkiisa laga dheehan karaa nta uu gaarsiisan yahay quusta iyo rajo beelka soo dhaxgalay hayaankii bulshada soomaaliyeed ay ku soo jirtay carta ka dib ee ku dhisnaa nabad isugu wareejinaya talada

LABA BILOOD OO SHARCI DARO & U HANQALTAGA LABA SANO

Inkastoo ay taagan tahay diidamada ah in farmaajo uu xaafiiska iska sii nagaado tan iyo wixii ka danbeeyay 8 dii February oo mudo xileedkiisu ay ku ekayd hadana siyaasiinta mucaaradka marka laga yimaado dagaalkooda dhinaca diplomacy da ah ee ku dhisan dibad baxyo laga horgeeyo nidaam ay u arkaan kali,talis waxaa jiray in farmaajana taas badalkeed uu ku haminaayay 2 sano oo uu xaafiiska sii joogo intii aaney Ku soo bixin arinkan bulshada caalamka

Isku dayga rajadii judo kororsiga ayaa ku soo dhamaatay golaha Amniga iyo nabada midowga africa shirkoodii qamiistii markii ay ku gaareen go,aan ay ku cadeeyeen mowqifkooda xaaladda Soomaaliya Kaas oo cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen mid sharciga balmarsan oo xiligaan dalka qal-qal siyaasadeed iyo khilaaf hor leh galin kara

Midowga Afrika, oo ciidamadooda ay ilaaliyaan madaxtooyada iyo inta badan caasimada, waxaa saaran waajib akhlaaqiyadeed iyo mid siyaasadeed oo ah inuu ka hortago madaxwaynaha jabinta sharci darada ah. Iyadoo aan la helin faragelin Midowga Afrika ah, dalku wuxuu umuuqdaa mid qarka u saaran inuu dib ugu laabto colaad sokeeye oo aan maskax lahayn.

Marka, Midowga Afrika wuxuu heystaa fursad deg deg ah saacaddan kow iyo tobnaad si loo sharfo hal ku dhiggeeda ah “Xalka Afrika ee dhibaatooyinka Afrika”. Waa inay ka hortagtaa isku dayga madaxweynaha ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo jilayaal kale oo Soomaaliyeed oo diimeed. Halkii laga taageeri lahaa ajandaha kala qeybinta ah AU waa in ay ku adkeysato in jahwareerka qowmiyadeed iyo aqoonsiga siyaasadeed ay masiibo ku tahay Soomaaliya oo keliya, laakiin meel kasta oo ka mid ah qaaradda.

Mowqifka noocan ahi wuxuu ku dhiirrigelin doonaa dhallinyarada Soomaaliyeed inay si kale u hamiyaan Waxay muujiyeen rabitaan ay ku dheehan yihiin qabyaaladda siyaasadeed oo ay wali dib u soo ceshan karaan xididdada dahabiga u ah dimuqraadiyadihii ugu horreeyay Afrika. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa diyaar u ah loolanka –

kala-guurka siyaasadeed ee somalia oo lagu dark isku dhajinta kursiga iyo dhago ka furaysiga caadaadiska caalamka ee ku wajahan in dalku doorashado aado waxay sababab u noqon kartaa in ay soo saarto masiibooyin hore.

ABUURITAAN KA COLAAD LAGA HORTAGAY

Waxa,dhacay iskudayo badan oo dhawr mar xaalada soomaaliya Ku dhaweeysay in uu gaaro gacan ka hadal soo nooleeyn karta qablayadii la isu dilay markii uu dhacay dagaalkii kali,tliyihii siyaad bare looga riday xukunka ,inta falalakaas waxa ay ahaayeen kuwo ka imaanaya hogaank maamulka waqtigiisu dhamaaday ” balse aragtida iyo rajada dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed. waxa uu si joogto ah u diidanaa qabyaaladda siyaasadeed maadaama ay si cad u aqoonsadeen in siyaasadda farmaajo ay yihiin kuwo sababi kara in y meesha ka baxdo aasaaskii dowladnimo ee la,soo yab,yabay 30 sano oo dagaal iyo burbur ah ka dib..

Nasiib wanaag dadka caasimadda waxay si cad u fahmeen in khilaaf siyaasadeed oo loo beddelo mid qabiil in ay noqon doonto masiibo waxayna diideen talaabo kasta oo lagu abuurayo colaad xitaa markii ay dhacday in dad ka dibadbaxaya dooraasho la,aanta lagu laayay bartamaha muqdisho .

Waayo,aragniada laga dhaxlay colaadaha ayaa dadka soomaaliyeed u kala soocay dagaal qabiil iyo dagaal iyo dictatorship

XALKA UGU DHAW

Hadaba hadii aan la helin cadaadis ka yimaada bulshada rayidaka qaybaha culumada , haweenka ,dhalinyarada iyo aqoonyahanka oo ku aadan in dhaymo siyaasadeed loo arko dhawaaqayada bulshada caalamka waxaa suurtagal ah in ay timaado dhaga fureeysi dhaliya isku dhac dhaxmara dhinacyada siyaasda somalia isku haya oo xaalku gaaro meel ka sii liidata meesha uu hada joogo

Maxaa Kaala Gudboon Dhawaqa Bulshada Caalamka Dhaymo Siyaasadeed Mise Dhaga Ka Fureeysi ?

Leave a Reply