Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
9″ Dec “2022” Wakaaldaha Wararka”
Taageerayaasha xulka South America ayaa ku jira dabaaldeg ka dib markii Argentine ay rigoorayaal kaga adkaatay Netherlands Dheeho.com
Argentine ayaa wajihi doonta Croatia ooy u soo wada gudbeen wareegs 4 dhamaadka koobka adduunka iyadoo Natiijada oo Netherlands ka saartay tartanka ay soo afjarayso 71- jir-ka Louis Van Gaal oo mudo tababare u ahaa xulka qaranka Holland Dheeho.com
Goolhaye Emiliano Martinez ayaa laba rigoore ka badbaadiyay Argentina oo ka caawisay inay garaacdo Netherlands ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka, si ay semi-finalka u la ciyaaraan Croatia oo tartanka ka reebtay Brazil
Toogashada ayaa timid ka dib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah taasoo keentay in Holland ay ku dagaalanto wareega afar dhamaadka koobka adduunka laakiin goolhayaha Aston Villa Martinez ayaa si cajiib ah ugu beeniyay labada ciyaaryahan ee reer Holland Virgil van Dijk iyo Steven Berghuis, gool ku laadkii ay soo tuureen taas oo sahashay Argentina inay Rigoorayaal 4-2 ah ku badiso .
Nahuel Molina ayaa hogaanka u dhiibay South America ka dib baas cajiib ah oo uu ka helay Lionel Messi, ka hor inta uusan ciyaaryahanka todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or uusan dhalin gool labaad oo rigoore ahaa.
Argentina ayaa u muuqatay in ay ku sii siqayso afar dhamaadka ilaa uu badalka Netherland ee Wout Weghorst uu soo yareeyay dhibcaha si uu u dhamaystiro ciyaarta.
Weghorst, oo ku jira buugaagta Burnley, laakiin amaah ku jooga Besiktas, ayaa barbareeyay ku dhawaad laadkii ugu dambeeyay ee ciyaarta daqiiqadii 11aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray isagoo gool u bedelay kubad laad xor ah.
Wakhtiga dheeriga ah waxaa la arkayay xiisado kor u kacaya iyo xamaasad aad u sareeysa, balse wax gool ah ma dhalin, inkastoo muddo kooban ay Netherlands hogaanka ku haysay isla markaana ay ku hanjabtay inay gool dhalinayso. Waxa ay socotay daqiiqado yar ka hor inta aysan mar kale weerar ku qaadin Argentina oo ciyaarta u qaaday goolhayaha Holland.
By Abdulkadir Farah Dulyar
Xulka Croatia ayaa rigoorayaal kaga tuuray Brazil tartanka koobka adduunka si ay u ilaashadaan in ay u soo gudbeen semi-finalka Dheeho.com
Croatia ayaa 4-2 rigoorayaal ah uga soo gudbtay jimcihii xulka Brazil oo ugu cadcadaa tartanka si ay ugu soo baxaan semi-finalka koobka adduunka ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen 120 daqiiqo.
Brazil ayaa lagu waday in ay u soo baxdo wareega afar dhamaadka si ay u hesho laakiin rajadooda ayaa ku dhamaatay qaabkii ugu naxariista badnaa.
Xulka qaranka Croatia ayaa ah koox aad loo soo agaasimay isla markaana madax adayg badan balse ma aysan awoodin in ay la yimaadaan darbo gool loo filan karay ilaa afar daqiiqo ay ka harsan tahay waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, iyadoo goolhaye Petkovic uu ku garaacay Alisson.
Waxay ahayd Fiid kale oo ay ka buuxsameen xiisado iyo riwaayado, markii xiddiga reer Brazil ee Neymar uu u maleeyay in uu ku guuleystay ciyaarta goolkii uu la yimid waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta
Laakiin Bruno Petkovic oo badal ku soo galay ayaa lahaa fikrado kale isaga oo daqiiqadii 116-aad dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu xulka Croatia laaday goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay mid dareen-celin ah.
Kubadu markii ay ku dhacday Birta goolka oo ay ka soo booday ayay ciyaartoyda Croatia la soo ordeen si ay ula dabaal degaan goolhayahooda, Dominik Livakovic, halka xulka Brazil ay garaaceen cawska, iyaga oo og in ay soo dhamaatay riyadoodii ahayd in ay helaan taajkii lixaad.
Xulka kaalinta 2-aad ku soo baxay ciyaarihii adduunka ee 2018 ayaa ku soo baxday rigoorayaal labaad oo xiriir ah
Difaaca Croatia ayaa niyad jabiyay Brazil oo rajayn lahayd in ay jabiso 90 kii daqiiqo ee ciyaarta si ay u daadiso dhiiga kowaad ee Croatia oo si adag uga hortagtay weeraradooda
Difaaca Croatia ayaa niyad jabiyay Brazil oo rajayn lahayd in ay qaybta hore ee ciyaarta dhiiga kowaad ka soo baxdo laakiin taasi may dhicin iyada oo difaaca Croatia ay si adag uga hortageen weerarada
By/ Abdulkadir Farah Dulyar