9″ February 2022″ Dhuusamareeb
Musharaxa Madaxweyne ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadlay ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraalkan
Waxaan galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhibaannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey.