19″ Aug”2022″ Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday Hotel ku yaala magaalada Muqdisho Dheeho.com
Laba qarax oo baabuur ayaa lala beegsaday Hotel Hayat. Mid ka mid ah ayaa ku dhacay dayr u dhow hotelka ka dibna ka kale ayaa ku dhacay albaabka hoteelka.
Waxaan rumeysannahay in dagaalyahannada alshabaab ay wali ku jiraan gudaha hoteelka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska oo magaciisa kusoo koobay Axmed.
Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ah agaasimaha iyo aasaasaha adeegga ambalaasta ee Aamin ee Muqdisho, ayaa sheegay goor dambe oo Jimcihii ilaa hadda sagaal qof oo dhaawac ah laga soo qaaday hoteelka.
Labo sarkaal oo ka tirsan sirdoonka oo aan la aqoonsan ayaa iyaguna xaqiijiyey dhacdada.
Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, sida lagu sheegay qoraal turjuman oo ay soo saartay ko犀利士 oxda sirdoonka ee SITE.
Xaafadda uu ku yaal hoteelka ayaat ayaa ah meel caan ah oo ku taalla magaalada Muqdisho oo ah meel ay ku yaallaan dhowr hoteel oo kale, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka rayidka ah.
Al-Shabaab ayaa in ka badan 10 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya. Waxay doonaysaa inay samaysato xukun u gaar ah oo ku salaysan tafsiir adag oo shareecada Islaamka ah.
Ciidamada Booliska ayaa wadeen howlgal ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan weerarka, sida ay ku sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee ku hadasha afka dowladda Soomaaliya barta ay ku leedahay Twitter-ka, iyadoo soo xiganeysa afhayeen u hadlay Booliska. Wakaalada ayaa soo bandhigtay sawir muujinaya qiiq ka baxayay goobta sare ee shilku ka dhacay
Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay sheegtay in ciidamadeedu ay dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar cirka ah oo ay ka fuliyeen gobolka Sh/dhexe, xilli Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen ciidamada Soomaaliya. Mareykanka ayaa dhowr duqeymo cirka ah ku qaaday dagaalyahannada toddobaadyadii la soo dhaafay.
Weerarkii jimcaha waa weerarkii ugu weynaa ee ugu horreeyay tan iyo markii President Hassan Sheikh Mohamud took office in May.
Al-shabaab ayaa horay u sheegtay mas’uuliyadda weeraro noocan oo kale ah. Bishii Ogosto 2020, waxay sheegtay inay ka dambeysay weerar lagu qaaday hoteel kale oo ku yaalla Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa sanadkii 2011-kii waxaa laga saaray magaalada Muqdisho markii ciidamada dowlada Somalia oo garabasanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, la galeen dagaalo xoogan balse kooxda hubaysan ayaa weli gacanta ku haysa dhul badan oo baadiyaha ah.