Caalamka oo indhaha ku haya Somalia, kadib tallaabadii ay shalay qaaday DF

Caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haya Soomaaliya oo haatan qaaday dhabihii horumarka, una jiheysatay inay ka faa’iidesato khayraadka dhex ceegaaga gudaheeda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay Markabka ORUC REIS ee Turkiga oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa sheegay in tallaabadan ay keentay in dunidu ay mar kale soo eegto fursadaha iyo dhaqaalaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

“Maanta waa maalin kale oo aduunyada ina tiraahdo war heedhe Soomaaliya waa la maalgashan karaa, sababtoo ah dhaqaale iyo fursad ayaa ka jirta” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan sidii looga faa’iideysan lahaa fursaddan, loona xoojin lahaa dowlad wanaagga.

“Waxaa dareemeysaa in Soomaaliya mar kale dib loo soo milicsanayo daneyn badan ayaan helnay waxaan rabaa inaa dadka Soomaaliyeed u sheego inaanan baar dareyn fursaddaas muhiimka ah” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ” Shabaab nagama hor istaagi karo iyo cadow kale oo ajnabi ah nagama hor istaagi karo hal shey oo kaliya ayaan u baahanahay, waana dowlad wanaag”.

Tallaabadan ayey ku macneysay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran.

Sidoo kalena waa mid soo bandhigeysa sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.