Dheeho Wararka la xiriira kulamada Champions League

Milan ayaa dhibcihii ugu horeeyay ee Champions Leaque-ga ka heshay 10 ciyaartoy Club Brugge

Guushan ayay Ac Milan uga mahad celinaysaa Christian Pulisic oo si toos ah uga soo kacay calanka koornada iyo Tijjani Reijnders oo badel ku soo galay.

Rossoneri ayaa wali raadinaysay dhibcihii ugu horeeyay ee Yurub kadib guuldaradii Liverpool iyo Bayer Leverkusen.

Club Brugge ayaa guuldaro kala kulantay Borussia Dortmund waxayna 1-0 kaga badisay Sturm Graz oo marti u ahayd. Gustaf Nilsson iyo Bjorn Meijer ayaa dhaawacmay, iyadoo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Bologna Andreas Skov Olsen uu sitay xanuun kubka ah.

Kooxda Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda Borussia Dortmund kulan ka tirsan tartanka champions League.
Ciyaarta ka dhacday Santiago Bernabeu

Aston Villa oo xiisayneysa in ay sii wadato bilaawgeeda saxda ah ee Champions League ayaa caawa Bologna ku qaabileysa garoonkeeda Villa Park.

Aston Villa ayaa ciwaanada ugu wayn samaysay kadib markii ay 1-0 ku garaacday Bayern Munich kulankeedii hore ee Yurub waxayna ka dhigtay laba guul labadii kulan ee ay ciyaartay xiliciyaareed kaan.