DHEEHO ” Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Aqalka sare ee k/galbeed

2″August “2021” Baydhaba

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka bilaabatay doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa degaannada Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa maanta dooranaya Senataro ka tirsan Aqalka Sare, Shanta kursi ee maanta la dooranayo ayaa waxaa labo ka mid ah ay yihiin musharaxiintooda dumar.

Illaa shan kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ayaa waxa ay ugu horeyntii qudbado u jeedin doonaan Baarlamaanka Koofurgalbeed.

Maxamuud Maxamed oo noqday xildhibaankii 4″raad oo lagu doortay Baydhabo

Xildhibannada baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa kursiga afaraad ee aqalka sare u doortay Senatar Maxamuud Maxamed Abdinur (Garabeey).

Maxamuud Maxamed Abdinur ayaa helay tirinta cododka kadib codod gaaraya 76 cod, halka Nuur Baabul Cadow oo isna la tartamayay uu helay 9-cod.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socoto doorashada musharixiinta aqalka sare, iyadoo intoodii badanaa la doortay xubnaha kuraasta baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaankii 3″ xaad oo ku soo baxay doorashada ka socota K/galbeed 

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mid noqday golaha Aqalka Sare ee barlamaanka 11-aad ee ka imaanaya dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Aadan Abdinasir Maxamed oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleystay doorashada mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo ka dhacday magaalada Baydhabo.

Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa ayaa helay Codad gaaraya 80 , isagoo la tartamayay Maxamed Aadan Xasan oo helay isna 6 cod.

Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi Kursiga 2″ baad ee Aqalka Sare ee ay doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas ayaa waxaa lagu doortay kursigii labaad.

Kursiga labaad ee Aqalka Sare ee ay doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi & Farxiyo Nuur Aadan, waana kusiga labaad ee laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Ayaan Aadan Cabdullaahi oo noqotay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa ku guuleystay 79 cod halka ay Farxiyo Nuur oo la tartameysay ay heshay 8 cod.

Senatar Samsam Ibraahim oo markale ku guuleysatay doorashada Aqalka Sare kursigii 1″ aad

Samsam Ibraahim Cali ayaa ku guuleysatay doorashadii ugu horeysay ee maanta ka dhacday magaalada Baydhabo kadib markii ay ka guuleysatay Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim oo la tartamaysay.

Doorashadan ayay Samsam Ibraahim Cali oo afartii sano ee la soo dhaafay kamid aheyd Xildhibaannada Aqalka sare waxa ay ka heshay 81 Cod, halka Shariifo Xaji Cusmaan ay heshay 4 Cod halka 7 Cod ay halaabeen.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee ay ka dhacdo doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo kaliya dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Maamullada Galmudug,Hirshabelle iyo Puntland ayaa sidoo kale laga sugayaa inay sidoo kale qabtaan doorashada Aqalka Sare.

Leave a Reply