30″ July “2022” Radio Kulmiye”
Mashquul xooggan ayaa ka jira Xaafiiska RW Soomaliya Xamse Cabdi Barre oo la sugayo soo gudbinta Liiska Golaha Wasiirada cusub Xukuumadiisa, si loo soo dhameystiro dhismaha hay’adaha dowladda.
Shaqsiyaad saameyn siyaasadeed leh oo ay ka mid yihiin masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo saaxiibada MD Xasan Shiikh Maxamud ee xubinta ka ah Xisbiga talada dalka haya ee UPD ayaa ah Masuuliyiinta ugu badan ee iskaga daba laabanaya Ra’iisul Wasaaraha, si ay uga gadaan siyaasadooda iyo awoodooda hoggaamineed.
Ka go,aan qaadashada shaqsiyaadka magacyadooda lagu qorayo kuraas Golaha Wasiirada iyo kuwo codsigooda dib loola cilinayo waa mid kamid ah sababaha ugu weyn ee dib u dhigay soo magacaabsita golahaan.
RW Xamse Cabdi Barre waxaa jira dhowr caqabadood oo ka hortaagan soo gudbinta Wasiirada Xukuumadiisa kuwaasi oo go,aanka uu qataato ay jihayn doonaan hanaanka siyaasadeed ee Dowladda Cusub.