Dhibanayaal Turki ah ayaa ka soo hoos hadlay burburka dhulgariirka iyagoo addeegsanaya  baraha bulshada si ay gargaar u helaan

7″ February “2023” Aljazeera”

Ka dib masiibada, dhulgariir Dad badan oo dhibanayaal ah ayaa isticmaaley baraha bulshada si ay gargaar ula gaaraan oo ay u tilmaamaan meelaha ay joogaan samatabbixiyeyaasha

Kumanaan farriimo ah oo lagu soo qoray baraha bulshada ayaa codsanaya badbaadinta dhulgariirka iyadoo dadka qaar laga soo saaray qashinka ka dib markii ay dhajiyeen.

Dadaalada baadi goobka iyo samata bixinta ayaa ka socda koonfur bari Turkiga iyadoo shaqaaluhu ay kula loolamayaan waqtiga si ay u gaaraan dhibanayaasha ku hoos aasan burburka ka dib markii gobolka ay ku dhufteen dhulgariir xoogan oo xiriir ah.

Masiibada ka dib, tiro badan oo dhibanayaal ah oo ku xanniban burburka ayaa adeegsadey baraha bulshada si ay gargaar ula gaaraan oo ay u tilmaamaan meelaha ay joogaan samatabbixiyeyaasha.

Firat Yayla, YouTuber oo loo yaqaan Charmquell, ayaa ka mid ahaa.

Waxa uu ku sheegay muuqaal uu soo dhigay sheekooyinkiisa Instagram-ka subaxnimadii talaadada ka dib dhulgariirkii ugu horreeyay ee uu ku hoos xayirmay burburka ku yaal bartamaha degmada Antakya ee gobolka Hatay, wuxuuna ka codsaday taageerayaashiisa inay badbaadiyaan.

“Saaxiibayaal, waxaan ku hoos xayirannahay dhulgariirka,” ayuu ku yiri muuqaalka laga duubay meel mugdi ah. “Hooyo! ma fiicantahay Hooyo! ii sheeg meel baad ku qarisay. Fadlan caawi!” waxa uu intaa ku daray ka hor inta aanu soo af jarin muqaalka ciwaanka gurigiisa

Wuxuu cusbooneysiiyay Instagram-kiisa markii dambe isagoo leh waa la I badbaadiyay, laakiin hooyadiis wali waxay ku hoos jirtay shubka.

Nin kale oo dhalinyaro ah ayaa ka soo muuqday muuqaal kale oo ku hoos jira burburka degmada Iskenderun ee Hatay ayaa la wadaagay ciwaankiisa oo yiri, “Haddii aad jeceshahay Ilaahaaga, fadlan kaalay oo na badbaadi.” Muuqaalka ayaa si weyn loogu wadaagay Twitter-ka

Boran Kubat, oo ah 20 jir wax ku barta Istanbul, ayaa booqanayay qaraabadiisa oo ku nool magaalada Malatya markii dhulgariirkii labaad uu ku dhuftey guriga qoyskiisa.

Kubat waxa uu sheegay in dhul gariirkii koowaad ka dib ay galeen guriga, iyaga oo u malaynayay in uu nabad qabo, balse kii labaad ay qabteen iyaga oo hurda.

Waxa uu caawimo waydiistay fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay baraha bulshada isaga oo jooga gurigiisa oo ku hoos jira halkaas oo uu ku xayiranaa Isaga hooyadiis, ayeeyadii iyo laba adeeradiisa hada waa la soo badbaadiyay dhamantood

In kasta oo ay jireen dad nasiib badan oo xaaladdooda soo dhigay baraha bulshada lana soo badbaadiyay, haddana farriimo aan tiro lahayn ayaa weli ku jira internet-ka kuwaas oo codsanaya in la caawiyo – ama iyaga laftooda dhismayaasha dumay, ama kuwa ay jecel yihiin oo aan la gaadhi karin.

In ka badan 7,200 oo qof ayaa dhintay, dhulgariirka Turkiga iyo Syria waxaana jira digniino sheegaya in dhimashadu ay Intaas ka sii badan karto, iyadoo saacad kasta oo la gudbo ay sii yaraaneeyso Rajada ah in la gaaro dad nool Dheeho.com

Samatabbixiyeyaasha ayaa wali si ba’an u baadigoobaya dad nool oo ku hoos jira burburka dhismooyin ku yaalla koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ka dib dhulgriiradii Isniintii ruxay labada dal, Iyadoo Qoysaska murugeeysan ay ka raadiyaan kuwa ay jecel yihiin burburka dhulgariir.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in dhimashadu ay intaas ka sii badan karto, WHO waxay sheegtay in 23 milyan oo qof oo ku kala nool dalalka Turkiga iyo Suuriya ay saameyn ku yeelan karto musiibada

Cimilada qabow ee jiilaalka iyo burburka waddooyinka u dhexeeya qaar ka mid ah magaalooyinka ay sida xun u saamaysay, dhulgariirka oo ay ku nool yihiin malaayiin qof, ayaa caqabad ku noqday dadaallada lagu qiimaynayo saamaynta iyo qorshaha caawinta ka dib dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa ee Turkiga tan iyo 1999kii.

犀利士 16-9 wp-has-aspect-ratio”>

Leave a Reply