4″ March “2022” Radiodalsan
Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in shaqaalle qodayey Carro Kaawo ku taalla halkaas ay kusoo duntay dhowr iyo toban daqiiqo kahor.
Kaawada kusoo duntay shaqaalihii ka shaqeynayey ee qodayey ayaa si gaar ah ugu taalla wadada ka baxda degmada Afgooye ee aada deegaanka Nambar 50, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday goobta, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen Carro kaawada soo duntay, sida ay sheegeen qaar kamid ah dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan.
Dad goobta ka agdhawaa ayaa gurmad u sameeyay laba ruux ee waxyeelada gaartay oo la sheegay in loola cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoona sidoo kalena goobta laga qaaday Meydka qofka dhintay.
Si kastaba Inta badan dadka ka shaqeysa qodida kaawada ayaa waxaa ka soo gaara dhibaatooyin kala duwan, sida in ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan,