Dhinacyada iska soo horjeeda ee Itoobiya ayaa ku heshiiyey in ay helaan gargaarka bini’aadantinimo ee Tigrayga

12″ November “2022” Aljazeera

Dawladda Itoobiya iyo fallaagada Tigreega ayaa ku heshiiyey in ay fududeeyaan in si degdeg ah gargaar bani’aadamnimo loo gaarsiiyo “dhammaan kuwa u baahan” ee ku nool Tigray-ga ay dagaalladu halakeeyeen iyo gobollada kale ee deriska la ah.

Heshiiska sabtidii ayaa daba socday wadahadal todobaadkan ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasi oo ku saabsanaa in si buuxda loo dhaqan geliyo犀利士 heshiiskii ay 10 maalmood ka hor ay wada saxiixdeen dhinacyadii dagaalamay, kaasi oo lagu soo afjarayo colaadii 2 sano ka hor ka socotay waqooyiga Itoobiya.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la fududeeyo gargaar bini’aadantinimo oo aan laga hor istaagin dhammaan dadka u baahan gargaarka Tigrayga iyo gobollada deriska la ah,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah.

Heshiiskan ayaa waxaa u saxeexay Field Marshal Berhanu Jula oo ah madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya iyo General Tadesse Werede oo ah taliyaha guud ee ciidamada jabhada Tigrayga.

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika Olusegun Obasango ayaa sheegay in heshiiska uu ahaa mid “saameyn degdeg ah”.

Keiredin Tezera oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa Aljazeera u sheegay in xitaa ka hor inta aan la gaarin heshiiska sabtidii in gargaar loo dirayo goobaha ay ciidamadu ka taliyaan.

“Heshiiskani waxa uu xitaa fududayn karaa in gargaarka la gaarsiiyo gobolka Tigray oo keliya balse gobollada deriska la ah, kuwaas oo ay sidoo kale saamaysay colaadda,” ayuu yidhi. “Tani waa war nagu weyn mana ahan kaliya Itoobiya oo dhan laakiin sidoo kale Afrika…

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la dhiso guddi isku dhaf ah oo dhaqan geliya heshiiskii hub ka dhigista dagaalyahannada kooxda TPLF ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa lagu yiri bayaanka

Leave a Reply