25″ February “2023”
Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.3 ayaa ku dhuftay bartamaha gobolka Nigde ee dalka Turkiga, iyadoo ruxashada dhulka ee galabnimadii Sabtida ay tahay kicinta dhibaatadii dhawaan ka dhacday 10-ka gobol oo Turkiga ah ooy burburiyeen dhulgariiro sababay dhimashada 50,000 oo qof Dheeho.com
Dhulgariirkii Sabtidii ayaa hoos u dhacay 7km (4.34 mayl) wuxuuna ku dhuftay degmada Bor saacadu markay ahayd 1:27pm (10:27 GMT), sida ay sheegtay wakaaladda maaraynta masiibooyinka Turkiga ee AFAD. Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay
Wax ka yar labo toddobaad kadib labo dhul gariir oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya aya gilgilay Suurtagalnimada in noloshu ay caadi ku soo noqoto
Ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.3 uu ku dhuftay aagga xadka Turkiga iyo Suuriya habeenkii isniinta iyo ruxashada dhulka ee sabtida maanta ee 5.3 waxay u muuqataa dib u soo kicinta dhibaatadii dhawaan ka dhacday 10-ka gobol Turkiga ooy burburiyeen dhulgariirada
Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa sheegay in kooxaha ka jawaabaya dhibaatada ay ku sugan yihiin goobta si ay u qiimeeyaan wixii khasaare ah.
“Ma jirto xaalad xun hadda. Allow dalkeena iyo qarankeena ka ilaali masiibooyinka nooc walba leh,” ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka
Dhulgariirrada ayaa waxaa xigay in ka badan g犀利士 udaha Turkiga, inay waxyeello gaarsiiyeen in ka badan 173,000 oo dhismayaal ah halka ku dhawaad laba milyan oo qof ay guri la’aan noqdeen, sida lagu sheegay xogta dowladda.
Ku dhawaad 240,000 oo shaqaale samatabbixin ah oo ay ku jiraan mutadawiciin ayaa wali ka sii shaqaynaya 11-ka gobol ee uu dhulgariirku ku dhuftay ee dalka Turkiga. Qaar ka mid ah meelaha uu dhul gariirku saameeyay ayaa markii hore aad u adkeyd in la gaaro balse waxaa socda dadaallada ka soo kabashada, waxaana sii kordhaya khasaaraha nafeed marka ay sii socdaan.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan in la soo badbaadiyay maalmihii la soo dhaafay