Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
February “23” 2023″
Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.8 Magnitude ayaa ruxay dalka Tajikistan meel u dhow gobolka Xinjiang ee galbeedka fog ee dalk Shiinaha Dheeho.com
Sida laga soo xigtay Sahanka Juquraafi ee Mareykanka, xudunta dhulgariirka ayaa 67 kiiloomitir (41 mayl) galbeedka ka xigta Murghob, Tajikistan iyo 20 kiiloomitir (12 mayl) qoto dheer.
Dhulgariirku wuxuu dhacay abbaare 5:37am (00:37 GMT) Khamiista qiyaastii 65km (40 mayl) galbeedka Murghob oo u dhow xadka gobolka Xinjiang ee Shiinaha, USGS iyo Xarunta Yurub-Mediterranean Seismological Center (EMSC) ayaa sidaas tiri
Dhulgariirka ayaa si xoog leh looga dareemay xuduudaha qaar ka mid ah ismaamulka Kashgar iyo ismaamulka Kizilsu Kyrgyz ee Xinjiang, balse ilaa hadda lama soo warin wax khasaare ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee CCTV oo soo xiganeysa saraakiisha warfaafinta deegaanka.
Xarunta Shabakadda Dhulgariirrada ee Shiinaha ayaa sheegtay in cabirka dhulgariirku uu ahaa 7.2 magnitude, iyadoo ay jirto kala duwanaasho Cabbiraadaha hay’adaha kala kadisan hadana xudunta dhul gariirka ay hoos u dhacday 10km (6 mayl).
Murghob waa caasimadda degmada oo ay ku nool yihiin dhowr kun oo qof oo degan buuraha Pamir. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhulgariirka
Dadka Aaggaas waa dad aad u tiro yar laakiin waxa ku yaal harada Sarez taas oo laga yaabo inay ku fataho dhul baaxad leh oo dalal dhowr ah haddii la carqaladeeyo.
Harada waxaa sameeyay dhulgariir 1911 kaas oo sababay dhul go’ay oo dhigay wabiga Murghab, sida ay sheegtay USGS. Aaggu waxa uu la kulmay ugu yaraan 18 dhulgariir oo cabbirkiisu ahaa 6.5 ama ka weyn qarnigii la soo dhaafay.
Sannadkii 2015-kii, dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 7.2 ayaa ku dhuftay meel 105km galbeed ka xigta magaalada Murghob, halkaas oo uu ku dilay laba qof, isla markaana uu burburiyay boqolaal guri