Dhuusamareeb & Abaabulkii ugu danbeeyay dagaalka ka dhanka ah AShabaab

11- August-2023

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macallim Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi

Wasiir Xasan Macallim Maxamuud ayaa xalay hoyga u壯陽藥 u ka deganyahay Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug iyo dhallinyaro.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay bilaawday, waxaana la filayaa sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo

DHINACA KALE

Abaabul dagaal oo xoog leh, kuna wajahan degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa ka socda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo deegaanka ah oo aad u abaabulan ayaa lagu soo bandhigay degmada Maxaas, kuwaas oo u diyaarsan inay Al-Shabaab ka xoreeyaan Wabxo.

Sidoo kale, kulamo looga arrinsanayo howlgallada ka bilaabanaya furimaha aagagga Wabxo iyo Galcad ayaa ka socda degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyihii hore ee ciidanka Danab, Gaashaanle Cabdimaalik oo hadda hoggaaminaya guuto ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inuu hoggaaminayo howlgalka lagu xoreynayo Wabxo.

Dagaalka la doonayo in Al-Shabaab looga xoreeyo Galmudug ayaa leh dhowr furimood, waxaana kooxda la doonayaa in laga weerarro dhowr jiho oo kala ah, Maxaas, Galcad, Ceeldheer, Xarardheere iyo Dhuusamareeb.

Howlgallada ayaa shalay ka bilowday Galgaduud, iyadoo duqeyntii ugu horeysay laga fuliyey degmada Galhareeri.