1 December 2020 Muqdisho”
Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 1 December 2020 waxaa lagu waday in dowlad goboleedyada ay ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo ku caddaa jadwadlkii doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sida muuqata qorshihii doorashada iyo jadwalkii la soo saaray 1-dii bishii October ayaa fashil ku imaanaya, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay Guddiyadii doorashada ee hirgelin lahaa qorshaha doorashada.
Doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa loo qorsheeyay inay dhacdo 1- December illaa 10 bisha December 2020, sida qorshuhu ahaa, balse hal tallaab oo aan loo qaadin dhaqan gelinta heshiiska iyo jadwalkii doorashada ayaa sabab u noqday inuu dib u dhacyo badan ku yimaado jadwalkii doorasho ee lagu heshiiyay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa illaa iyo hadda soo magacaabin Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, kuwaasoo mas’uul ka ahaa doorashooyinka labada aqal, waxaana is mari-waaga ka taagan doorashada uu u muuqda inuu gebi ahaanba meesha ka baxo jadwalkii doorasho ee lagu heshiiyay.