Dibadbaxayaal Caraysan oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan oo Ku yaal Laascaanood

3″ January “2023

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaaday saldhigyo ay Ciidanka Somaliland ku leeyihiin Xaafado ka mid ah Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen rabshado xooggan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay Saqdiin dhexe weeerar lagu ekeeyay Saldhigga,waxaana si gaar ah loo beegsaday Ciidamo Boolis ah iyo kuwo Millateri ah, waxaana weerarkaasi ku qaaday dad shacab ah oo caraysan, kana mid ah dadkii maalmahaan banaanbaxyada waday.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda lagu magacaabo Durdur, waxaana la sheegay in khasaare uu soo gaaray dadkii caraysnaa ee weeraray Ciidanka Somaliland, qaar ka mid ah dadka dhaawacmaya yaan Cusbtiaalada la dhigay sida wararku tilmaamayaan.

Magaaalada Laascaanood ayaa waxaa wali ka taagan Xiisadda kulul ee u dhexeysa Ciidanka Somaliland iyo dadka shacabka ah ee caraysan.

Waxaana dadka Rayidka ah ee Magaaladaasi ay si weyn kaga caraysan yihin beegsi lagu hayo haldoorka Magaalada,taasi oo keentay in bulshadu ay kacdo, maaddaama dadkoodii wax galka ahaa dilal qorsheysan lagula kacay, waxaana maalmahaan socday banaaanbaxyo ka dhan ah Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.

Guddiga uu Magacaabay Aadan madoobe ayaa ka kooban ilaa iyo 10 xubnood oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha cadaaladda ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Yoonis Axmed Yoonis, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool ku fashilmay sugida amniga shacabka Laascaanood, waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mudaharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan anay xukuumada kula socon.

“Qorshe xumo xukuumada ah ayaa Laascaanood taala, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada犀利士 ” ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu dhinaca kale, sheegay in xisbigu xukuumada ku taageersanyahay, difaaca ciida Somaliland, waxaana uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin dad reer Somaliland ah oo xukuumadooda ka doonaya in ay uga jawaabto cida dilalka gaysanaysa.

Leave a Reply