Muqdisho-“8” May” 2022
Tartanka doorashada madaxweynaha cusub ee dalka ayaa waxaa u sharaxan Musharaxiin fara badan oo tiro ahaan gaarey犀利士 sa labaatameeyo oo ay ka mid yihiin madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo, madaxweynayaashii hore, raysal wasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
Musharrax Madaxwayne Bashiir Xaaji Cali ayaa kamid noqday Musharixiinta Madaxweynaha ee is Diiwaangeliyay isagoona qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa isna kamid noqday Musharixiinta Madaxweynaha ee is Diiwaangeliya Musharrax Madaxwayne Cabdulqaadir Cosoble Cali isagoona qaatay Shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.
Doorashada madaxweynaha dalka ayaa qabashadeeda ku asteeyaan 15-ka bishaan May oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ururkii dhalinyarada ee gobanima doonka ahaa ee SYL, waxaana doorashadaan si gaar ah indhaha ugu wada haayo Shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka daneeya arrimaha Somal