Diiwaangelinta musharixiinta guddoonka labada aqal oo Muqdisho ka bilaabatay

19″ April”2022″” Muqdisho

Guddiyada guddoonka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho maanta ka bilaabay  diiwaangelint壯陽藥 a musharixiinta u taagan xilka Guddoonka Golaha Shacabka iyo qal Sare ee BFS.

Guddoonka doorashada Golaha Shacabka ayaa musharixiin dhowr ah diiwaangeliyay kuwaas oo u tartamaya qabashada xilka Guddoomooiyaha iyo kan ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.

Musharixiintii ugu horreeyay ee maanta isdiiwaangeliyay waxay ahaayeen Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur  ( Madoobe) oo u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Cali Caano-nuug oo isna u tartamaya guddoomiye xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hore u ahaa musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uusan isdiiwaangelin iska casilay xilkii Gudfoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran kaas oo uu hoggaamiya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, maadaama sharcigu uu dhigayo in qof walba oo raba inuu u tartamo xilka guddoonka Golaha Shacabka laga rabo inuu iska soo casilo xilka uu  hayo hadii uu jiro.

Dhinaca kale, Guddiga guddoonka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ayaa wado isdiiwaangelinta musharrixiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo  ku-xigeennada oo ay u tartamayaan musharixiin dhowr ah.

Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa shahaada Murashaxnimo guddoonsiiyay Senator Ilyaas Badel Gaboose oo u taagan xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare.