MUQDISHO”
Diyaarad ay lahayd shirkadda Turkish Airways oo ay saarnaayeen 207 rakaab ah ayaa ku wajahnayd dhinaca dalka Turkiga waxaana ay la kulantay ciladda dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dalka Itoobiya.
Sida ay sheegeen maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in diyaaraddu ay si nabad ah ku soo cago dhigatay iyadoo eegayaan injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo cilladda.
“Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka itoobia ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cade iyadoo nabad qabta mana jirto halis hadda.”ayuu yiri sarkaal ka tirsan shaqaalaha waaxda duulista.
Diyaaraddan ayaa ugu dambeyntii loo hagaajiyay cilladii ku timid kadibna waxa ay dib uga duushay garoonka iyadoo kusii jeeda dalka turkiga oo ay hore ugu socotay.
Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegayay in diyaaradan ay lumisay xiriirkii dhinaca isgaarsiinta oo ay la wadaagi lahayd dalka Turkiga oo ay ku sii jeeday.
Turkish airline oo bilowday duulimaadyo joogto oo ay ku timaado dalka sanadkii 2012-kii, Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu awoodda badan oo isticmaalay 1 bilyan oo doolar sanadkii 2011-kii taasi oo isagu jirta gaargaar iyo soo celinta kaabayaasha dalka ee burburay 30-sano