Diyaarad goordhow ku dhacday Garoonka Muqdisho & Dowladda oo Ka Hadashay

Diyaarad kuwa xamuulka ah ayaa goordhow ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho,

Diyaaradan ayaa ku sii jeeday magaalada Beledweyne, waxaana markii ay duushay ay degeg ugu soo laabatay garoonka, kaddib markii ay cilad ku timid.

Afar qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda saarnaa ayaa laga soo badbaadiyay, waxaana labo ka mid ah soo gaaray dhaawacyo fudud.

Sawirro laga soo qaaday diyaaradda ayaa laga arki karaa dhaawac ka gaaray qeybta hore oo burburtay, kuna dhacday gidaarka ku wareegsan xeyndaabka garoonka.

Nooca diyaaraddan ayaa ah 5Y-MHT, waxaana markii ay shilka ku gashay gudaha garoonka u gurmaday Shaqaalaha garoonka, iyagoo adeegsanaya gawaarida katarbiilka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay diyaarad nooca xamuulka qaado ah oo saakay ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili ay dooneysay ay ku degto Garoonka.
Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Maxamed C/llaahi Salaad Oomar oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday Garoonka Aadan Cadde, ayna la socdeen 4 ruux oo shaqaale ah.
Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in shaqaalihii saarnaa diyaaradda lasoo badbaadiyay, kadib markii gurmad si deg deg ah loogu sameeyay, waxaana la sheegayaan in dhaawacyo fudud ay soo gaareen.
Diyaaradda ayaa markii hore Magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira
Diyaaradaas oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay Afaafka hore ee derbiga ku wareegsan Garoonka Aadan Cadde, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday, iyadoo ay waxyeelo kasoo gaartay qeybta laga wado diyaaradda.

Leave a Reply