Dowlada Somalia ayaa Xaqiijsay 8 qof iyo Diyaarad ay la socdeen In ay u gacan galeen Alshabaab

Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay Diyaarad iyo 8 qof oo saarnaa markii ay ku degtay baadiyaha Degmada Xiindheere oo ka mida Deegaanada bartamaha Somalia ee wali ku sii harsan gacanta Argagaxisada, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo la yiraahdo Gaashaanle Xasan Cali

Dowlada Somalia oo ka hadashay diyaarada ayaa sheegtay inay jirtay cilad ku qasabtay inay si deg deg ah diyaarada oo aheyd nooca qumaatiga u kaca ay u degto, halka Wararka qaar ay sheegayaan in soo degista ay ahayd mid ku dhacday si qalad ah

Dhowr qof oo rakaab ah ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo sanado badan rabshado ka waday Geeska Afrika

Dad badan oo reer miyi ah ayaa ku soo xoomay dayaaradda oo ku degtay meel u dhaxaysa Xiindheere iyo Xagarrey, Waragayska Washington Post oo wax ka qorray dayaaradda u gacan gashay Al Shabaab ayaa 3 il-wareed oo magacyadooda qariyey sababo la xiriira xasaasiyadda akhbaarta wax uu daabacay in “Al Shabaab ay dayaaradda dab qabadsiiyeen, ayna kaxaysteen tiro shaqaalihii dayaaradda saarnaa ah oo aan la ogayn”.

Wuxuu wargaysku intaa ku daray in gabar afhayeen ah oo ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caawinta hawlgalka ay sheegtay in dhawaan ay war ka soo saari doonaan.

Wuxuu xaqiijiyey in mid ka mid ah raggii dayaaradaas saarnaa la dilay. “Waxaa la dilay mid ka mid ah dadkii dayaaradda saarnaa, waana muwaadin Masar u dhashay” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu intaa ku daray ay jiraan inay jiraan qaar ka mid ah dadkii Helikobtarka saarnaa oo baxsaday. “Laba ka mid dadkii dayaaradda la socday ayaa baxsaday isla markii ay degtay, waana duuliyihii dayaaradda iyo dhakhtar Soomaali ah” ayuu sii raaciyey.

Mas’uulkaas BBCda u warramay wuxu kaloo sheegay in afartii qof ee kale ay Al Shabaab u kaxaysteen dhinaca Xiindheere.

Dayaaradda helikobtarka ah ayaa meesha ay ku degtay waxay qiyaastii dhinaca bari ka xigtaa magaalada Dhuusamareeb 76 Kiloomitir.

Wuxuu meesha ka saaray in dayaaraddu ay hub sidday, wuxuuna sheegay in ay iminka doonayaan inay helaan raggii fakaday.

“Waxaan hadda abaabulaynaa ciidan iyo in aan helno raggii Al Shabaab ka badbaaday” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in deegaanka ugu sokeeya ee raggaas ay tagi karaan (oo uu codsaday in aynaan magaca deegaankaas sheegin sababo amni dartood) uu ka socdo abaabul la doonayo in lagu soo hago si aysan duurka ugu sii amban oo ay halka gaaraan.

Waragayska Washington Post oo asagana wax ka qoray dayaaradda u gacan gashay Al Shabaab ayaa 3 il-wareed oo magacyadooda qariyey sababo la xiriira xasaasiyadda akhbaarta wuxuu soo qoray in “Al Shabaab ay dayaaradda dab qabadsiiyeen, ayna kaxaysteen tiro shaqaalihii dayaaradda saarnaa ah oo aan la ogayn”.

Wuxuu wargaysku intaa ku daray in gabar afhayeen ah oo ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caawinta hawlgalka ay sheegtay in dhawaan ay war ka soo saari doonaan.

Weli dawladda Soomaaliya, maamulka Galmudug iyo Qaramada Midoobay kama aysan hadlin arrinta dayaaraddan.

Deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey wuxuu dagaal kharaar ku dhex maray dawladda Soomaaliya iyo 壯陽藥 ciidanka deegaanka oo dhinac ah iyo Al Shabaab.

Leave a Reply