Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo ay ka dageen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo maalmahan laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ugu yaraan 2 diyaaradood ay ka dageen saldhigga loo yaqaan UK ee ay ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin degmada Baladxaawo.
Wararka ayaa intaaasi ku daraya in diyaaradahan ayaa sidoo kale la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo halkaas u tegay hoggaaminta gulufka dowladda federaalka ee ka dhanka ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Beledxaawo ayaa waxaa haatan si buuxda u maamulayo ciidamada dowladda, kadib markii ay dhawaan isa soo dhiibeen ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugnaa degmadaasi.
Arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ay ku kala fur-fureyso maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana hadda ay isku sii fidineysaa gobolka Gedo.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaas ay si buuxda u maamulaan ciidanka Xoogga dalka.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaas ay si buuxda u maamulaan ciidanka Xoogga dalka.
Xaaladda ayaa u muuqata inay kasii dareyso, iyada oo dowladda dhexe ay isku dayeyso in gebi ahaan meesha laga saaro maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugagaa natiijada iyo halka ay ku dambeyn doono xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso labada dhinac.