27″ December “2022 Adisababa
Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa dib u bilaabi doonta duullimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda gobolka ay dagaaladu aafeeyeen ee Tigreega oo bilaaban doona Arbacada, duullimaadyadii ugu horreeyay ee ganacsi oo ay ku tagto Tigray ku dhawaad 18 bilood gudahood, ayay shirkaddu ku sheegtay bayaan.
Hadalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii wafdi ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo madaxda shirkadaha ganacsiga ay booqasho ku tageen magaalada Mekele, si ay ugala hadlaan dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee bishii hore.
Heshiiskan oo ay ku jireen ballan qaadyo lagu soo celinayo adeegyadii ay u baahnaayeen ayaa soo afjaray dagaallo muddo labo sano ah u dhaxeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo xulafadooda oo ka soo horjeeday ciidammada Tigreega, kuwaasoo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ay barakiciyeen.
Dib u bilaabista Duulimaadyadani waxay u sahlaysaa qoysaska inay dib u midoobaan, fududeeyaan soo celinta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dhiiri gelinta dalxiiska iyo keenista fursado badan oo bulshada u adeegi doona,” ayuu yiri madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew oo ka mid ahaa wafdiga Mekelle. bayaan.
Wakiilka socdaalka ee Addis Ababa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duulimaadkii ugu horreeyay ee ku sii jeeday Mekelle si buuxda loo ballansanaa saacado gudahood markii lagu dhawaaqay.
Ku dhawaad dhammaan gobolka ayaa hadda ku xiran korontadii qaranka, waxaana dib loo soo celiyay adeegyadii isgaarsiinta ee 27 magaalo oo halkaas ku yaalla, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Talaadadii.