Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
Wednesday ” 1 ” September ” 2021″ Jowhar
Magaalada Jowhar waxaa ka socota diyaargarowgii u danbeeyey ee doorashada xubnaha HirShabeelle uga mid noqon doona Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Musharrixiin isugu jira senator hore iyo waliba kuwa cusub ayaa gaaray magaalada Jowhar si ay doorashada uga qeybgalaan
Guudlaawe oo La Filayo Inuu Ku Dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Maamulkaas.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Magaalada Jowhar ka wado latashiyadii ugu dambeeyay ee ku soo saarayo Liiska Musharaxiinta, isagoona kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Siyaasiyiin.
Kursiga ugu adag ee Senatorada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Hirshabeelle ayaa ah kan haatan uu ku fadhiyo Muuse Suudi, waxaana kula loolamayo ilaa iyo Afar Musharax oo kala ah Cabdullaahi Sheekh Sheekh Xasan, Muxudiin Xasan Afrax iyo Axmed Daaci.
Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada Aqalka Sare, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Musharaxiin farabadan oo dooneysa inay noqdaan Senataro.
Maamulka Hirshabeelle ayaa noqday maamulka kaliya ee aan weli baalin doorashada Aqalka Sare, halka ay horey u qabteen maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana doorashada kuraasta Aqalka Sare dhameystiray saddex maamul