25″ April “2022” Muqdisho”
Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maalinimada beri oo Talaada ah teendhada Afisyooni ee xerada Xalane lagu qabanayo doorashada gudoonka Aqalka Sare.
Guddiga ayaa sidoo kale soo bandhigay hoolka ay ay ka dhaceyso doorashada, taasoo si aad ah loo diyaariyay, waxaana u dhameystiran agabka codeynta, halka ay fariisan lahaayeen musharixiinta iyo kuraastii ay ku fariisan lahaayeen midanayaasha codeynaya.
12 musharax ayaa u taagan xilka gudoonka aqalka sare oo doorashadiisa la saadaalinayo ineysan waqti badan qaada doonin, kuwaasoo kala ah.
Waxaa Goobta lagu qabayanayo doorashada kormeer ku tegay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare & Xubnaha kale ee Guddiga, iyaga oo qiimeyn ku sameeyay xaaladda Amni ee Goobta iyo Agabka loogu talo galay doorashada
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa isku soo sharaxday illaa saddex musharax oo kala ah:
Sen. Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah Wasiirka Dastuurka XFS.
Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare.
Sen. Cusmaan Abokor Dubbe oo ah Wasiirka Warfaafinta XFS.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa ku baratami doonta illaa labo musharax kuwaas oo isku soo sharaxay qabashada xilkaan:
Sen. Cabdixakiin Macalin Axmed.
Sen. Cali Shacbaan Ibraahim.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharaxday illaa todobo musharax oo kala ah:
Sen. Ilyaas Badel Gaboose.
Sen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima Cadde)
Sen. Cabdi Cusmaan Xareed
Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte
Sen. Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
Sen. Xasan Xuseen Xaaji.